CEELDHEER (DAYNIILE.COM)-Waxaa soo baxaya warar sheegaya in Ciidamada Dowlada Somalia iyo kuwa macawisleyda ay isaga soo baxeen deegaanka Ceel-dheer ee Gobolka Gal-gaduud.

Sarkaal u hadlay Ciidamada Xooga Dalka Somalia oo ku sugan Ceeldheer ayaa si weyn u beeniyay warkaasi isagoona ku tilmaamay war aan sal iyo raad lahayn.

Advertisement

Sarkaalkaan oo ay garbihiisa buuxeen ciidamo ayaa sheegay inay wataan howlgaladoodii amni xaqiijinta sidii caadada u ahayd islamarkaana aaney jirin inay ka soo baxeen.

Ceel dher iyo masagawaay oo ah dhulka ay sida gaarka u degaan reerka Madaxweynaha Soomaaliya islamarkaana ka tirsan Maamulka Gal-mudug ayaa dhawaan laga saaray Alshabaab.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIILE.COM

Previous articleDowlada Shiinaha oo dil ku xukuntay Qoraa u dhashay Dalka Australia
Next articleItoobiyaanku maxay ugu faraxsan yihiin warka QM Ka soo saareen Badda Somali

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here