Muqdisho (dayniiile.com)-Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Xusen Jimcaale (Madaale) ayaa qarash 20,000 Doolar wuxuu ka bixiyay haweeney magaceeda lagu sheegay Xaawo oo iyadoo Uur leh mudo ku jirtay Xabsi ku yaal Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud.

Haweeneydaan oo Uur lix bilood leh ayaa u xirneyd dad ku leh 52-kun dolar oo ay ku biishay ilmahedda.

Advertisement

Madaale ayaa wararka aan helnay waxay sheegayaan inuu bixiyay qeyb ka mida qarashkaasi iyadoo sidaas oo kale lacag intaas ka badan uu ku rurushay Tiktok Daahir Calasow.

Xaawo ayaa la soo sheegayaa in la sii daayay markii Madaale uu qarashkaasi shubay,inkastoo aan wali la cadeyn in lacagta guud ahaan la shubay.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Daawo: Haweeney xaamilo ah oo 6 bilood Guriceel ugu xiran qaan 52 kun oo  dollar ah

Previous articleMuxuu ku saabsan yahay heshiiska kala saxiixdeen Somalia iyo Imaaraadka+SAWIRRO
Next articleCali Jeyte Cusmaan oo digniin u direy shacabka ku dhaqan meelaha Al-shabaabku xukumaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here