Wasiirka Tamarta iyo Qayraadka Biyaha XFS Mudane Jaamac Taqal Cabaas, oo uu wehliyo Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka, Md. Maxamuud Macallim Cabdulle ayaa kulan mira-dhal ah oo diiradda lagu saarayay hindisaha lagu taageerayo gobollada laga xoreeyay khawaarijta la qaatay Safiirka Isu-tagga Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya Md. Axmed Juma Al-Rumaithi.
Safiir Axmed Al-Rumaithi oo ka duulaya qorshaha Imaaraadka ee la shaqeynta Dowladda Soomaaliya ayaa saxiixay heshiis u jeedkiisu yahay qodista ceelal biyoodyo lagu taageerayo dadka Soomaaliyeed ee ku nool gobollada laga xoreeyay Khawaarijta.
Mudane Al-Rumaithi ayaa sidoo kale uga mahad celiyay Madaxweynaha JFS, Md. Dr. Xasan Sheekh Maxamuud iyo Xukuumadda, hagaajinta hababka taageerada qaranka, halka uu si weyn u bogaadiyay doorka baaxadda leh ee hay’adda SoDMA ku leedahay fududeynta hannaanka loo fulinayo mashruuca, si daahfuran oo labada dhinacba u dhexeysa.
Wasiir Tamarta XFS,Guddoomiyaha hay’adda Maareynta Musiibooyinka, ayaa uga mahadceliyay safiirka, shacabka iyo Dowladda Imaaraadka Carabta taageerada muddada dheer ah ee ay la garab taagan yihiin Soomaaliya.
May be an image of 3 people and textMay be an image of 2 people, dais and textMay be an image of 1 personMay be an image of 1 person and textMay be an image of ‎4 people and ‎text that says "‎EMBASSY Or THE UNITED ARAB EMIRATES MOGADISHU المتحدة العربية الإمارات مقديشو الابا فر عم لد الية مشروغ دول PART OF THE INIT مبادد ضمن المناه PORT THE LIBE‎"‎‎May be an image of ‎6 people and ‎text that says "‎EMBASSY OF THE UNITED ARAB EMIRATES MOGADISHU سفارة المتحدة العربية الإمارات مقديشو KEE1 AS PAI 1-‎"‎‎
Previous articleMadaxweyne Xasan oo si rasmi ah u furey Kalfadhiga 4-aad ee Baarlamaanka+SAWIRRO
Next articleMaxaa ka jira in Duqa Muqdisho uu Xabsig Guriceel ka sii daayay Haweeney deyn u xirneyd

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here