Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo shalay ku sugnaa Dalka Jabuuti inuu socdaal qarsodi ah ku joogo Dalka Imaaraadka Carabta caasnadiisa Dubai.

Madaxweynaha waxaa la hadal hayaa inuu madaxda Carbeed ee Imaaraadka uu kala hadlayo arimo ku saabsan dagaalada ka socda Soomaaliya kuwaasoo u dhexeeya Dowlada iyo Alshabaab.

Advertisement

Madaxwenaha wuxuu maalmihii ugu danbeeyay ku howlanaa sidii u taageere dheeraad ah ugu heli lahaa dagaalka ay kula jiraan Alshabaab.

Qorshayaasha Dowlada Madaxweyne Xasan iyo Ra’iisulwasaare Xamze ayaa ah in  talaabada ugu fiican ee lagu taageeri karo ay tahay in Soomaaliya laga qaado cunuqabateynta hubka.

Madaxweyne Xasan oo shalay ku sugnaa Dalka Jabuuti ayaa wararka qaar sheegayaan inuu kala hadlay  Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle sidii uu uga gacan sii lahaa sidii ciidamada Atmis waqi loogu dari lahaa joogitaankooda Soomaaliya.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIIILE.COM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo safarkiisii ugu horreeyay ku tagay Baydhaba

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here