Qaar kamid waxgaradka Degmooyinka Ceelbuur & Galhareeri ayaa caawa ku guuleystay in ay hishiis dhex dhigaan Dhinacyada hogaanada siyaasada iyo Ciidanka deeganka oo u dhaxeeyay isfaham waa, waxaana meesha laga saaray isfaham waagaas ka dhex jiray, waaxana lagu balamay in dhamaan dhinacyada Siyaasadda iyo ciidanka Deegaanka la mideeyo cududooda, islamarkana la iskugu yimaado Degmadda Wabxo lana joojiyo tafaraaruqa, loona midoobo xureynta deegaanka.

Advertisement

Wasiir Xasan Macalin iyo garabka uu hogaaminayey ee jooga Dhuusomareeb ayaa aqbalay in ay yimaadan furinta dagaalka uuna la kulmo xildhibaanada deganka matalo oo joogo furinta dagaalka, islamarkana wasiirku uu qaato doorkiisa matalada siyaasadeed ee looga baahan yahay, maadama uu yahay wasiir xukuumada ku matalo deegaankas, sidoo kale odayasha dhaqanka ayaa lagu balamay in ay qeyb ka qaatan wacyigelinta bulshada deegaanka.

Waxaa lagu balamay qofkii qori ridi kara, midkii siyaasada qaabilsan iyo midkii igu sawir kaliya raba in loo midoobo xureynta deegaanka oo meel la dhigo kala aragti duwanaanta siyaasada.

Todobaadkan waxaa la rajeynaa guulo waaweyn oo dhanka xureynta deegaanada bariga Galgaduud.

W/Q:// Gacal Ayman

W/Q Mohamed Ciidey

Previous articleMadaxweyne Biixi oo loo doortay musharraxa madaxweyne ee xisbiga Kulmiye
Next articleMaamulka Somaliland oo sheegtay in aan deegaanadeeda laga xidhi doonin Tiktok iyo Telegram

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here