MUQDISHO(DAYNIILE.COM)-Maanta oo isniin ah waxaa lagu wargeliyay Xildhibaanada Labada Aqal inay shir isugu yimaadaan kadib markii Taleefoonadooda fariimo loogu wada direy.
Warbaahinta iyo baraha bulshada ayaa aad u hadal haya kulanka Saaka ay leeyihiin mudanayaasha Baarlamaanka  Soomaaliya ee labada aqal ,hadaba maxaa xasaasi ka dhigay kulanka maanta.
Sida Wararka qaar aan ku helnay kulanka saaka waxaa looga hadlayaa siyaasada iyo arimaha masiiriga u ah dalka taasoo badanaa marka miiska la soo saaro shirka xiisa gaara u yeesha.
Wararku waxay intaasi ku darayaan in Saaka si gaara isha loogu hayo qodob durba saxaafadu ogaatay in la jeex jeexi doono kaasoo ah ka hadalka shirka uu iclaamiyay Maamulka Puntland, laguna casuumay in Faderaalku hogaamiyo.
Wararka horu dhaca ah ee aan heleyno ayaa sheegaya in xildhibaanada Labada  Aqal ka soo horjeedaan gabi ahaanba gogoshaasi uu dhigay Maamulka Puntland islamarkaana uu aqbalay madaxweynaha Somalia sida Puntland shaacisay,waxaana macquula inay laalaan.
Inkastoo warka ah diidmada iyo ka hadalka arinta shirka Garowe aaney xaqiiqo ahayn hadana la arki donee qodobka siyaasada hadii mida puntland lagu soo daro.
Dhanka kale waxaa dhici karta mashruucyo kale oo qarsoon in shirka maanta lagu meel mariyo.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
Previous articleQM oo soo jeedisay in IGAD IYO AU xaliyaan xurgufta Itoobiya iyo Somalia
Next articleDowlada Shiinaha oo dil ku xukuntay Qoraa u dhashay Dalka Australia

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here