Asiya 4 isbuuc kahor ayuu arooskeeda Ka dhacay magaalada Qoolow ee gobolka gedo, Isla maalintaas waxaa geeriyotay ayeydeed hooyo, oo hambalyadi tacsi baa dabooshay, isbuuc kadib ayaa saygeedi oo Nairobi Ku sugan loo kaxeeyey, waxaana sii galbisay habaryarteed hooyadeed la dhalatay oo uwadday Nairobi.
Waa qadarta eebee, duleedka magaalada gaarisa ayey shil gaari Ku galeen, waxaana Halkaas Ku geeriyoday dhowr qof oo ay kamid tahay habaryarteed oo ah qofkii inanta uwaday gurigii ay Ku aqalgali laheyd oo Ka diyaarsanaa magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya, Asiyana dhaawac daran ayaa soo gaaray, waxaana dhiig kaga furmay madaxa kooma ayeyna gashay, qaliin ayaa lagu sameeyey waana lagu guuleystay balse isbuuc kadib shilka, saaka ayuu illahay oofsaday oo ay Ku geeriyotay Nairobi.
Walaasheen aasiya waxay aheyd qof wanaagsan oo dhowrsan, Asturan, waalidkeedana baari u’ah, allaha Unaxariisto dhamaan qoyskana Samir iyo iimaan allaha nagasiiyo, aamiin.
XIGASHO: ABDI-FATAH DIRIR
May be an image of 1 person and headscarf
Previous articleDowlada Somalia iyo Maamulka Puntland maxay ka yiraahdeen Askarta Mareykanka ee laga baadi-goobayo Xeebaha Somalia
Next articleMuqdisho waa diiday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here