MUQDISHO (DAYNIIILE.COM)-Warqad qoraala oo ka soo baxay Maxkamada Gobolka Banaadir ayaa dacwad loogu soo oogay Agaasimaha Wasaarada Gaadiidka Soomaaliya.

Agaasimaha Wasaarada Gaadidika Dowlada Somalia ayaa amar dowlad waxaa loogu soo rogay xayiraad socdaal kadib markii lagu eedeeyay arimo salka ku heya musuq maasuq xoolo dadweyne.

Advertisement

Amarka ka soo baxay Maxkamada waxaa lagu amray hay’adaha amaanka inaanu masuulkasi ka dhoofi karin dalka ilaa iyo inta dacwadaan ka soo dhamaameyso.

Dacwadaha ay soo bandhigtay Maxkamada ayaa ah inuu jiro musuq maasuq lagu sameeyay hantida qaranka oo shacabka oo dhan ka dhexeeysa sidaas daraadeed masuulkasi uu mari doono baaritaano sharci.

Tan iyo sidii uu xilka u qabtay Madaxweynaha Soomaliya Xasan Sheekh Maxamuud waxaa aad u soo batay isla xisaabtanka hay’adaha dowlada dhexdooda iyado masuuliyiin badan shaqada laga eryay,kuwo xabsi loo taxaabay,kuwo la xukumay halka kuwo kale oo caan ah ay dalka isaga carareen,

XAFIISKA WARARKA
DAYNUIILE.COM

Previous articleIsra’iil oo sheegtay inay heshay godkii ugu weynaa Gaza+SAWIRRO
Next articleWasiirka arimaha dibada Somalia oo is casilay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here