Sida warbaahinta Dowlada Somali aan ka soo xiganay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka oo gudanaya waajibkiisa ka saaran ilaalinta sharuucda dalka ayaa soo xeray Bishaaro Idiris Maxamed oo maalmahii lasoo dhaafay baraha Bulshada ku baahineysay muuqaalo anshax xumo ah oo aay aad u dhibsadeen bulshada Soomaaliyeed.

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa maanta horgeeyay Maxkamadda gobolka Banaadir eedeysane Bishaaro Idiris oo ay soo xereen Ciidanka Booliska Soomaaliyeed waxaana lagu soo eedeeyay In ay ku xadgudubtay anshaxa iyo dhaqanka.

Xafiiska Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa sheegay in uu talaabo sharciga waafaqsan ka qaadi doono cid walba oo lagu helo ayada oo sameyneysa wax lid ku ah dhaqanka iyo anshaxa.
Previous articleXOG: Maxaa ka jira inuu heshiis dhex maray Burcad Badeeda Soomaalida iyo Xuutiiinta Yemen
Next articleDAAWO: Ciidamo loo diyaarinayo dagaalka Alshabaab oo tababarkoodu ka socdo Kismaayo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here