MUQDISHO (DAYNIILE.COM)- Waxaa goor dhaw oo saaka ah Makamada Gobolka Banaadir ka bilowday maxkamadeynta ninkii dhawaan xaasikiisa gubay islamaerkaana baxday walow dib laga soo qabtay.

Eedeysanahaan oo lagu magacaabo Sayid Cali Macalin Daa’uud ayaa ugu horeyn la hor dhigy maxaad ka leedahay eeda xaaskaada inaad gubtay una dhimatay, sidoo kale aad cunug yar ay dhashay lugta ka gubtay islamarkaana u dhaawacan yahay.
Gudoomiyaha Maxkamada Gobolka Banaadir ayaa intaas sii raaciyay su’aal ahayd kala dooro sedex arin:-
Danbiga ma gelin
Danbiga Waan galay
Danbiga Dood sharci aan ka qabaa
Sayid Cali oo loo dhiibay cod baahiyaha ayaa durba qaatay dood sharci ayaan ka qabaa kadib waxaa makaroofanka lagu wareejiyay abuukaataha isaga difaacaya.
Waxaa xusid mudan in Maxkamada aad loo soo buuxsamay iyadoo ilaa 3 telefishana ay live ku baahinayaan sida maxkamadu u socoto kuwaasoo kala ah TV-ga Qaranka,Tv-ga Univarsal iyo TV-ga Dalsan.
.
Dooda Maxkamada ayaa hada si hagaagsan u socota hadaba wixiio war ka soo kordha wararkeen xiga ayaad ka heli doontaan insha Allaah.
May be an image of 8 people
XAFIISKA WARARKA 
DAYNIIILE.COM
Previous articleDowlada Itoobiya oo xukun ku riday Alshabaab sanado ka hor weeraray dhulka zoonka-ka 5-aad
Next articleSomali Masjid Imam ka ahaa oo lagu dilay Dalka Britain

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here