Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ka hadlay dhibaatooyinka ka heysta dhanka walxaha maanka-dooriya ayaa nasiib darro ku tilmaamay in qaar kamid ah ciidamada ay qayb ka noqdaan dadka isticmaala.

Wadajir in loola dagaalamo ayuu faray ciidamada, saraakiisha, mas’uuliyiinta, Shacabka iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada si looga hortago dhibaatooyinka ka dhalan kara ‘Isticmaalka walxaha maanka-dooriya.

Advertisement

Madaxweyne Deni ayaa shaaciyay in Dowlad-Goboleedka Puntland ay ka go’an tahay la dagaalanka dadka ka ganacsada Walxaha maanka-dooriya & kuwa isticmaala, waxa uu soo jeediyay in lagu garab istaago howlgalladaas.

“Waa in la xakameeyaa isticmaalka muqaadaraadka oo ayaamahaan dambe aad usoo kordhay, kuwii la rabay in ay xakameeyaan ee ciidamada ah ayaa ku laban dadka isticmaala, waa nasiib darro waxaana loo baahan yahay in wadajir loola dagaalamo, Dadka ay saameynta ku yeelaneyso way sii badaneysaa maalinba maalinta ka dambeysa, dagaalka ka dhanka ah waan wadnaa waana sii kordhin doonnaa” Sidaasi waxaa yiri Madaxweyne Deni.

La dagaalanka Walxaha maanka-dooriya waxa ay Dowlad-Goboleedka Puntland u waysay saraakiil muhiim u ah oo ku dhintay howlgallo kala duwan oo ka dhacay Deegaannada Dowlad-Goboleedkaas waxaana weli socda sidii loosoo afjari lahaa walxahaas dhibaatada ku ah Bulshada.

Previous articleMaxaa sabab u ah in Ganacsatada qaadka ee Kenya oo walaac ka muujiyay amar kasoo baxay Soomaaliya
Next articleRa’iisul Wasaaraha KMG ah ee dalka Pakistan oo la doortay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here