Xafiiska isku duwidda arrimaha bani’aadinimo ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in 20 miliyan oo Itoobiyaan ah ay deg-deg ugu baahan yihiin wax ay cunaan, waxaana la soo warinayaa in macluul ay gaysanayso dhimashada carrur badan oo ku nool deegaanada fog-fog ee gobalada Amxaarada iyo Tigreega.

Colaad iyo abaaro xun oo hadda taagan ayaa isu biirsaday Itoobiya, waxa jira barakaca 1.5 milyan, waxana hay’adaha gar-gaarka caalamka ay eeda saarayaan dawladda Itoobiya oo bixisay war aan ku saleysnayd xaqaa’iqa nolosha dadka ku saamoobay.

Advertisement

Ra’isul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed ayaa sheegay in waddankiisa uu gaaray isku filnaansho, oo soo saaraya Qamida taasi oo xitaa dibadda loo dhoofinayo.

“Waa dhab dhibaatada cuni yarida ee dalka Itoobiya, waxaana sababay Colaada iyo abaarta daba-dheeratay taasi oo aan mar-marsiyo looga dhigan Karin macluusha Tigrey balse waa siyaasada dawladda ee ku dhisan ciqaabta iyo go’aanada kaalmada beni’aadinimo ee caalamka oo in la’isa su’aalo tahay”, Mukesh Kapila, Professor ahna qoraa ka faalooda arrimaha collaadaha.

Iyada oo jirta dhibaatadan ayaa ra’isul wasaaraha Itoobiya waxa uu gobalka u horseedaya colaad hor leh, sida in uu ka fekeray in madax banaanida waddanka Soomaaliya in uu fara-gelin ku sameeyo isaga oo doonaya dhul & bad boob, waxana hore colaad waddanka kala dhaxeysay waddama Sudan iyo Masar oo biyo xireen ay ahayd in waddamada wadaagaan uu iskiis go’aan ku qaatay in uu sameysto.

Dawladda Itoobiya ayaa wajahayso dhibaato dhinacyo badan oo ay ku jirta diidmo ka imaanaysa maamulada iyo xitaa xisbiga talada hayo oo bilaabay in ay shaqada iska tagaan ka dib markii uu ka jawaabi waayey baahiyaha bulshada iyo qaadashada go’aan aan la isku raacsanayn oo waxa ka dhalan kara la ogeyn.

Previous articleNin Xaaskiiisa ku gubay Muqdisho
Next articleMacalinka Labaad ee Xulka Galmudug oo Ganaax la dul dhigay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here