Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor ayaa ka tacsiyadeeyey geeridii ku timid Muxyadiin Cabdi Muriidi oo ka mid ahaa daafacyadii  xulka Galmudug u qaaday koobkii ciyaaraha dowlad goboleedyada iyo Gobolka Baanadir.

“ Ilaahey ha u naxariisto Muxyadiin Cabdi Muriidi oo ka mid ahaa halyeeyadii xulka Galmudug u qaaday koobkii ciyaaraha. Waxaan ehelkiisa iyo asxaabtiisa la wadaageynaa xanuunka geerida. Ilaahey haka sabar siiyo”. ayaa lagu yiri qoraal lagu daabacay Bogga Madaxweynaha ee Fecebook.

Advertisement

Previous articleMid ka mida ciyaartoydii Galmudug koobka kula guuleystay oo geeriyooday
Next articleXildhibaan Xaadoole oo si kulul uga hadlay askari dad ku laayay nawaaxiga xerada Hiil-weyne

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here