May be an image of 7 people

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre, ayaa magaalada Doha ee dalka Qatar, kula kulmay Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo uu halkaas tababar uga soconayo.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa la wadaagay Saraakiisha rajada shacabka Soomaaliyeed ay ka qabaan ee ah in ay hormuud u noqodaan howlgallada socda ee xoreynta dalka.
Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa Dowladda Qatar uga mahad-celiyey taageerada kala duwan ee ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan soo saaridda saraakiil tayo sare leh oo kamid noqda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
XIGASHO WARBAAHINTA XUKUUMADA SOOMAALIYA
May be an image of 7 people
May be an image of 10 people
May be an image of 11 people
Previous articleC/qaadir Cosoble oo si kulul uga hadlay maleeshiyaadka Macawisley
Next articleDAAWO VIDEO: Dhul gariir Boqolaal ruux ku dhinteen oo ka dhacay Dalka Maroco+SAWIRRO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here