Muqdisho (dayniiile.com)-Ra’iisulwasaaraha Dowlada Faderaalka Soomaaliya Xamze Cabdi Barre ayaa saaka lagu wadaa inuu u safro Magaalada Kismaayo ee xarunta Kumeel gaarka ah ee Maamul Goboleedka Jubaland.

Ujeedka Socdaalka Ra’iisulwasaaraha ayaa lagu sheegay dhowr arimood sida kormeerka meelaha rooobabku saameynta ku yeesheen,kulan uu la qaadan doono madaxweynaha jubaland iyo waliba dar dar galinta wajiga labaad ee dagaalka Alshabaab lagula jiro.

Advertisement

Wararka laga helaayo Kismaayo ayaa sheegaya inay shalay galab sii gaareen Kismaayo qaar ka mida ilaalada gaarka ah ee Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Xamze Cabdi-Barre.

Sidoo kale warar ayaa sheegaya inuu Kismaayo kadib uu ra’iisulwasaaruhu  gudbi doono Magaalada Af-madow oo asal ahaan uu ka soo jeedo Ra’iisulwasaaraha.

Socdaalka Ra’iisulwasaaraha iyo wixii ka soo baxa wararkeena xiga ayaad kaga bogan doontaan Insha Alllaah.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Previous articleXildhibaanada Puntland oo Saaka shir ku leh Xaruntooda Garoowe.
Next articleDowlada Ruushka oo Soomaaliya u soo dirtay Markab Raashin ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here