Nairobi(dayniiile.com)- War ka soo baxay Shirkadda isgaarsiinta ee Dalka Kenya loona yaqaan Safaaricom ayaa lagu faafiyay in xarumaha Nairobi ee adeega safaricom beri oo Jimco ah aysan wax shaqo ah qabaneyn islamarkaana aan xitaa albaabada loo fureyn gabi ahaantood.

Shirkada waxay ujeedka ku sheegtay arimo shirkada horumarinteeda ah sidaas loo sameynayo,iyadoo sabtidana dib loo furi doono oo xaalku caadigiisii ku soo laabanayo.

Advertisement

Warka shirkada waxaa sidoo kale lagu sheegay in kaliya beri uu shaqeyn doono xafiiskooda ku dhex yaal Garoonka diyaaradaha Jkia ee Magaalada Nairobi.

Dhanka kale sida ay sheegtay idaacada StarFM  wixii caawimaad dheeraad ah waxaa laga heli karaa qaybta adeegga macaamiisha iyo xarumaha ugu dhow ee ay shirkaddu u ansixisay inay bixiyaan adeegyadeeda

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here