Labaatan sarkaal oo cusub oo uqaabilsanaa macluumaadka dadweynaha oo ka socday Hawlgalka Ku-meel-gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa xirfadahooda ku aadanaa xiriir dadweynaha kobciyey si ay ufuliyaan howlaha howlgallada.

Labaatanka sarkaal oo kala ahaa militari, booliis iyo cutubyo rayid ah oo ka kala socday wadamada ciidamada iyo booliiska ka joogaan, ayaa diiradda saaray mowduucyo kala duwan oo ay ku jiraan istaraatiijiyadda isgaarsiinta ATMIS, isgaarsiinta xasaradaha, iyo isbeddelada Warbaahinta Dhijitaalka ah, tababarkaas oo laba maalmood socday oo la soo gabagabeeyay Talaadadii.

Advertisement

“Xidhiidh istaraatiijiyadeed ayaa muhiim u ah bixinta muuqaalka howlgalka marka aan fulineyno Waajibka ATMIS. Waxay naga caawinaysaa inaan bixino muuqaal, daah-furnaan, iyo isla xisaabtan ku saabsan sida aan u fulineyno waajibaadkanaga. Helitaanka iyo ilaalinta kalsoonida dadweynaha, kalsoonida iyo taageerada firfircoon ee howlgalka ayaa fure u ah howlaheena,” ayuu yiri Sarkaalka Sare ee Isgaarsiinta ATMIS, Gifty Bingley bilowgii tababarka Isniintii.

Doodaha kale waxaa ka mid ahaa ka-qaybgalinta dadweynaha, hababka iyo maareynta nuxurka, qorista wararka iyo casharradii laga bartay – kuwaas oo dhammaantood ka caawin doona ka qaybgalayaasha in ay si wanaagsan u gudbiyaan waajibaadka howlgalka, hawlaha, iyo barnaamijyada ka socda qaybaha kala duwan iyo gudaha wadamada Ciidamada iyo Booliska ka joogaan.

Saraakiisha ayaa ka mahad celiyay tababarka, waxayna ballan qaadeen in ay ku dhaqmi doonaan aqoonta si loo xoojiyo fahamka iyo taageerada howlgalka.

Kormeere Moses Joe oo ah Madaxa Warfaafinta Dadweynaha fadhigiisuna yahay magaalada Kismaayo ayaa ku tilmaamay tababarkan mid ku soo aaday xilli fiican oo uu dhawaan u soo wareegey hawlgalka.

“Waa mudnaan weyn inaan ka qayb-galno tababarkan oo naga caawin doona inaan kor u qaadno muuqaalka hawlaha ATMIS ee Soomaaliya,” ayay tiri kormeere. Joe. “Waxyaabaha halkan aan kala tagayo ayaa ah isticmaalka wax ku oolka ah ee warbaahinta bulshada si aan si wadajir ah oo joogto ah u iftiimiyo hawlaha ATMIS.”

Sgt. Linda Atieno oo ka socotay qeybta militariga ee ATMIS ayaa ku tilmaantay tababarkan mid indho fur ah, gaar ahaan doodaha ku saabsan casharadii la bartay sanadihii lasoo dhaafay.

“Waxaan aqoon badan ka helnay aqoon-is-weydaarsigan kaasoo naga caawin doona inaan hubinno in howlaha qaybaheenna ay si aad ah uga muuqdaan shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaan caalamka,” ayuu yiri Sgt. Atieno.

ATMIS Soomaaliya waxay ka hawlgashaa lix aag oo Mas’uuliyad ka saarantahey,kuwaas oo ay ka hawlgalaan ciidamo ka socda shan Waddan oo kala ah Burundi, Ethiopia, Djibouti, Kenya, iyo Uganda waxaa sidoo kale saraakiil booliis ah ka joogaan afar waddan oo kala ah Ghana, Nigeria ah. Sierra Leone, iyo Uganda.

XIGASHO WARFAAFINTA ATMIS

Previous articleNinkii ku eedeysnaa inuu Alshabaab hubka uga soo dejiyay Dalka Shiinaha oo u gacan galay Sirdoonka Soomaaliya
Next articleQarax goor dhaw ka dhacay meel ku dhaw xarunta baarlamaanka ee Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here