XAWAADLEEY (DAYNIILE.COM)-Dagaal yahano ka tursan kooxda Alshabaab ayaa xalay weerar waxay ku soo qaadeen ciidako ka tirsan kuwa Dowlada Somalia oo ku sugnaa duleedka Degmada Xawaadleey ee Gobolka Shabeelaha dhexe.

Laba Xidigle Cali Cabdullahi ayaa  uga waramay dagaalkaasi warbaahinta Qaranka wuxuuna sheegay inay weerarka Alshabaab fashiliyeen kadib markii ay sameeyeen isku day qaldan sida uu sheegay.

Advertisement

Laba xidiglaha wuxuu xusay inay dhowr mar alshabaab isku dayeen inay weerar ku soo qaadaan kuna qabaadaan Xawaadleeey laakiin ay Ale mahadii ka hortageen kana adkaadeen.

“Muddo laba sano ayaan hor taaganay waxay hore isugu dayeen inay carqaladeeyaan amniga Degmadaan Alxamdulilah Alle ayaa u diiday waxaana Alle uga mahdcel8neynaa inaan ciidamadeena Milatariga intaas hortaahneyn”ayuu yiri Laba xidiglaha .

Dhanka kale Sarkaalkaan mar uu Madaxda Dowlada Soomaaliya iyo kuwa Hirshavelle uu la hadlaayay wuxuu ugu baaqay in laga faa’iideysto ciidamada Xoogga Dalka ee diyaarka u ah inay dalkooda iyo deegaankooda dhiig u huraan.

“Faderaalka iyo State-kaba waxaan leeyahay way adag tahay si lagu helo askari naftii hure ah oo diyaar u ah inuu u dhinto dadkiisa iyo dhulkiisa sidaas daraadeed waxaan leeyahay ciidamadaan halagu xoreeyp deegaanada maqan”ayuu mar kale yiri Laba Xidigle Cali Cabdullahi

XAFIISKA WARARKA

DAYNIILE.COM

Previous articleAdan Madobe oo goor dhaw u safray Dalka Turkey+SAWIRRO
Next articleMasuul ka tirsan Puntland oo booqday buundooyin roobabku jareen+SAWIRRO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here