MARKA (DAYNIILE.COM)-Sarkaal muhiim ka ahaa Ciidamada Dowlada Somalia ayaa saaka lagu dilay dagaal culus oo dhex maray ciidamada Dowlada Somalia iyo Alshabaab.

Dagaalka ayaa ka dhacay deegaan lagu magacaabo Busleey oo oo u dhexeeya deegaanada kala ah Jilib marka iyo Gandarshe oo ku dhaw Magaala Xeebeedka Marka.

Advertisement

Dagaalka oo mudo socday ayaa yimid markii Alshabaab weerar ku qaadeen saldhig Milatariga Somalia ay ku leeyihiin deegaanka Busleey,waxayna ku bilaabeen qaraxyo.

Iska hor imaad toos ahaa oo qarxyada ka danbeeyay waqtina socday ayuu ku geeriyooday sarkaalkaan oo caan ka ahaa Dalka.

Allaha u naxariistee Liibaan Golcad waxaa lagu xasuusta inuu ka mid ahaa saraakiisha hogaamineysay Ciidamada Boooliis Milataariya ee Xamar nabadeeyay kadib ciyaal weero iyo Burcad ka dilaacday 2 sano ka hor.

Si kastaba sarkaalkaan waxaa dagaalka kula geeriyooday ciidamo milatariga ka tirsan iyo waliba dhanka ka soo horjeeday ee Alshabaab madaama dagaalku mudo socday.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIILE.COM

Previous articleXarun Caafimaad oo loo dhisay Ciidamada Badda+SAWIRRO 
Next articleXamze oo magacaabay gudi diyaariya sidii Somalia u kasban lahayd Xilka Midowga Afrika

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here