Waxaa isa soo taraya xasuuqa barakicinta iyo go’doominta ay Yuhuudu ku heyso shacabka Dalka Falastiin gaar ahaan kuwa ku dhaqan marinka Gaza.
Halkaan waxaan idinku soo gudbnineynaa sawirada qaar ka mid ah sawiradii ugu dambeeyay ee shacabka Falastiin marka la eego murugta iyo baroor diiqda shacabka reer Gaza .
Sawirada qaar waxay muujinayaan shacabka oo booqanaya meelihii iyo guryihii duqeymuhu ku dhaceen ee ay ka carareen si ay u arkaan burburka iyo dhibatada halkaasi ka dhacday oo ay ku jiraan dhiiga ka baxay shacabka iyo xinjiraha dhex daadsan guryaha.
Sidoo kale sawirada qaar waxay muujinayaan meydadka la is dul dhigay inta karfan loo wada geliyay kuwaasoo u diyaarsan in la aso walow colaadii duqeymaha aan dhamaadka lahayn ee ku dul socda ay sababyso inay mar wada aasaan waliba aas wadar ah waaba marka ay fursad u heleen inta nool.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM