Israa’iil ayaa duqaysay masaajid, garaacday qoysas gabaad ka dhiganayay meel u dhow masaajidka.

Hal qof oo dumar ah ayaa ku dhimatay 20 qofna way ku dhaawacmeen kadib duqeyn loo geystay teendho ka sameysan cooshado oo ku yaala Deir el-Balah.

Advertisement

Deir el-Balah, Gaza (Dayniile.com)- Waaberigii Sabtidii, diyaaradaha Israa’iil waxay duqeeyeen masaajid ku dheggan teendhooyin ka samaysan cooshadaha oo ay deggan yihiin dad barakacayaal ah oo ku yaalla magaalada Deir el-Balah ee badhtamaha marinka Qaza.

Duqeymahaan ayaa waxaa ku dhintay gabar dhalinyaro ah, waxaana ku dhaawacmay 20 kale Waxaa loo gudbiyay Isbitaalka Shuhadada ee Al-Aqsa ee magaalada.

Haweeneydan oo 33 jir ah, Walaa Sacda, ayaa waxay caan ku ahayd bulshadeeda iyo dadaallada bani’aadanimo ee xilliyada dagaalka. Waxaa lagu dhex dilay teendhadeeda xili ay ag seexatay hooyadeed Yosra Abu Saada oo ku dhaawacantay weerarka.

“Aniga iyo gabadhayda Walaa ayaa wada cashaynnay ka hor intaanan seexan.” ayay tiri Yosra oo la hadleusay  Al Jazeera.

Gabadha dhimatay waxaa la sheegay inay ka shaqaynaysay liisaska dadka barokacay iyadoo adeegsaneysa  laptop-keeda ka hor inta aan la duqeynta lagu dilin.

Si lama filaan ah, Yosra waxay ku soo toostay dhagxaan badan oo ku soo da’aya bamka, iyadoo boodhku qariyay hareerahooda, teendhadoodiina ay ku dul duntay.

“Ma garan waxa hareerahayga ka dhacaya. Waxaan moodayay inaan riyoonayo, laakiin waan is-xakameeyay, waxaana billaabay inaan waco inantayda Walaa, balse iimay jawaabin” ayay tiri Yosra

Aftermath of Israeli strike on mosque in Deir el-BalahAftermath of Israeli strike on mosque in Deir el-BalahAftermath of Israeli strike on mosque in Deir el-BalahAftermath of Israeli strike on mosque in Deir el-BalahAftermath of Israeli strike on mosque in Deir el-BalahAftermath of Israeli strike on mosque in Deir el-BalahAftermath of Israeli strike on mosque in Deir el-BalahAftermath of Israeli strike on mosque in Deir el-BalahAftermath of Israeli strike on mosque in Deir el-BalahAftermath of Israeli strike on mosque in Deir el-Balah

 

Previous articleGudoomiyihii Gobolka Sh.dhexe oo xilka laga qaaday iyo mid cusub oo la magacaabay
Next articleMiino Alshabaab aaseen oo la fashiliyay+SAWIRRO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here