Baladweyne (dayniiile.com)-Waxaa sicir barar xoggan uu ku yimid maciishada quutul duriiriga ee magaalada Baladweyne Xarunta Gobolka Hiiraan.

Sida horaba loola socday Magaalada Baladweyne waxaa heystay dhibaato ka dhalatay robabkii iyo fatahaadaha wabiga shabelle taasoo go’doomisay shacabkii ku kala dhaqan qoraxsin iyo bariga Magaalada.

Advertisement

Goob jooge ku sugan Magaalada Baladweyne ayaa u sheegay idaacada VOA-da in dhamaan raashinkii iyo qudaartii ay ku yimaadeen sicir barar madaama aysan jirin wax ganacsi ah oo soo galaya Baladweyne iyo wax  ka baxaaya midna.

Baastada oo kartoonkii hore loo iibin jirey  8 dolar ayaa hada la iibinayaa 12 ilaa 13 doolar,sidoo kale sokorta ayaa la iibin jiray jawanka yar 16 dolar halka hada lakala iinsanayo 20 dolar,sidoo kale Bariiska ayaa isna 20 la iibin jirey halka hada la iibinayo 25 ilaa 26 doolar.

Dhanka qudaarta ayaa iyana la mida xili ay u sii dheer tahay inay sii dhamaaneyso oo qaarkood qudaarta mar horaba la waayay.

Qiimaha raashinka la kala iibsanayo ee aan soo sheegnay ayaa waliba ku xiran inaad horta hesho wax ka iibsada madaama keyd jirin xiligaan.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Previous articleLa Taliyaha Madaxweynaha ” Dowlada waxaa ka go’an in dalka lagu hoggaamiyo Doorasho qof iyo cod ah”
Next articleDegmada Caddalle iyo deegaanada hoos taga oo xaalad wanaagsan ku jira kadib colaadii Dowladu ku baxday+SAWIRRO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here