Kadib weerar qorsheysaysan oo ciidamada Dowlada iyo kuwa saaxiibada ah ay ku qaadeen kooxo ka tirsan alshabaab ayaa waxaa arintaas ka hadlay Dowlada Soomaaliya.

Weerarkaan oo ka dhacay deegaan hoos taga Degmada Xarardheere ee gobolka Mudug  ayaa lagu bartilmaameedsaday dagaalamayaal ka tirsan Alshabaab halkaasuu uu khasaare ka dhashay.

Advertisement

Warka Dowlada ka soo baxay ayaa lagu xusay in lagu dilay weerarkaan oo cir iyo dhul ahaa saraakiil iyo ciidamo ka tirsan kooxda Alshaab xili ay shir ku lahayeen deegaaka Dumaaye oo ka tirsan Magaalada Xarardheere ee gobolka Mudug.

Ma jirto ilo madax banaan oo cadeynaya inta uu gaarsiisan yahay khasaaraha nafeed ee ka dhashay weerarkaasi.

Xafiiska Wararka Dayniile

Mogadishu Somalia

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here