Guddoomiyaha haweenka Gobolka Banaadir marwo Jawaahir Baarqab ayaa sheegtay in maamulka gobolka Banaadir ay wadaan dedaalo lagu yareynayo qasaaraha ka dhasha daadadka ay roobabku keeneen, waxeyna tilmaantay in bilicda & nadaafada Gobolka ay tahay mid waajibineysa in ay ka qeybqaataan dadka u damqanaya Gobolka.

“Masiibadu waa dhowr nuuc, mid na waa mid ILLAAHEEY uu keenay mid na waa mid bulshada ka dhex imaaneysa, waxaad arkeysaa guri 3 milyan lagu dhisay oo hortiisu ay dhiiqo ka buuxdo, ma aha maamulka gobolka shaqadiisa inuu wax ka qabto” Ayeey tiri Jawaahir oo shalay saxaafadda kula hadleysay gurigeeda, waxeyna intaasi ku dartay in Magaalada ay jireen goobo biyo-fadhiisid ah xilligii Dowladdii Kacaanka.

Advertisement

“Xilliyada ay da’aan roobabka waxaa jira dad kaga faa’ideysanaya in ay qashinka guryaha u yaal ay daadadka raaciyaan, taas oo dhibaato weyn horseedeysa” Ayeey tiri Jawaahir waxeyna u mahadcelisay howlwadeena gobolka Banaadir oo ay ku tilmaantay dad mar walba u taagan in ay bulshada u qidmeeyaan.

“Magaaladan oo cabsi ah ayaa ku nooleyn, maanta waxeey soo ceshaneysaa maqaamkii ay xaqa u laheyd ee caasimadnimo, waxaan rajeynayaa in ay ka mid noqoto caasimadaha ugu qurxoon dunidda” Ayeey tiri Jawaahir oo intaasi ku dartay in Muqdisho aysan ku doorsaneyn Washinton & Amsterdam.

Mar ay ka hadleysay arrimaha xuquuqda haweenka waxey sheegtay in ay jiraan xadgudubyo joogta ah oo ku dhaca haweenka.

“Gabadhu marka ay shaqo doonato waxaa dhacda mararka qaar in la yiraa; wax uun iigu beddel, waxaa kale oo jira tacadiyo ka soo gaara dhanka siyaasada” Ayeey tiri Jawaahir oo intaasi ku dartay in waddan dhibaatooyin soo maray sida Soomaaliya oo kale ay ka dhici karaan tacadiyo nuucaas ah.

HOOS KA DAAWO WAREYSIGA JAWAAHIR OO DHAMMEYSTIRAN:

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here