Waxaa saaka  degan  xaalada Deegaanka  Ceel la-helay  ee Gobolka Geddo kadib dagaalo aad u xoogggan oo shalay galab ku dhexmaray halkaasi ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo kuwa A-lshabaab..

Warararka saaka la helayo waxay sidoo kale sheegayaan inay socdaan dhaq dhaqaaqyo ay wadaan ciidamada Dowlada kaaasoo ay meelaha qaar miinooyin kaga baarayaan.

Advertisement

Sidoo kale ciidamadu waxay wadaan dhaq dhaqaayo amniga ku xaqiijinayaan marka loo eego wadooyinka ay weerarada mar kale kaga imaan karaan.

Dagaalkii shalay galab oo aad u cuslaa darteed waxaa jiray warar kala duwan oo soo baxaayay iyadoo Alshababku sheegteen inay mar qabsadeen deegaanka Ceel la-helay inkastoo aysan jirin wax cadeyn ah  iyadoo saraakiisha  Galmudug iyo kuwa Dowladana ay xuseen in ciidamada Xoogga Dalka ay iska difaceen weerarkii alshabaab.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIIILE.COM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here