Maxkamadda gobolka Banaadir, ayaa waxaa ka socota dhageysiga dacwad Ciqaabeed loo heysto saraakiil ka tirsan wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha bulshada Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya, kuwaaasi oo xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka uu ku eedeeyay Musuq-maasuq, lunsasho hanti dadweyne iyo ku tagri fal awood xafiiseed.

Mas’uuliyiinta Maxkamaddooda maanta ay billaabatay ayaa waxaa ay kala yihiin, Agaasimahii Guud ee wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha bulshada Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya, Cabdullaahi Maxamed Cali iyo Agaasimahii kaga horreeeyay Xafiiska Maxamed Cadde Muqtaar.

Advertisement

Goobta Maxkamadda ayaa waxaa ku sugan Mas’uuliyiin katirsan Xafiisyada Xeer ilaalinta Qaranka iyo Maxkamadda Gobolka Banaadir iyo qaar kamid ah Ehellada Mas’uuliyiinta la maxkamadeeynayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here