Ceeldheer (dayniiile.com)-Taliyaha guutada 24-ad ee  khaalid bin waliid Maxamed Dhega-weyne ayaa deeq daawo ah saaka ku wareejiyay isbitaalka guud ee degmada ceeldheer Gobolka Galgaduud oo maalmo ka hor laga saaray Alshabaab.

Deeqdaan Dawada ah ayaa Degmada loo marsiiyay Khaliif Cumar Macalin Nuur oo ka mida hogaamiyayaasha ciidamada deegaanka kaasoo ku sii wareejiyay odayaasha degaanka.

Advertisement

Khaliif Cumar Macalin Nuur ayaa ka mahad celiyay deeqdaan daawada ah oo maanta uu kala wareegay Taliye Maxamed Dhegaweyne, si wax loogu qabto shacabka ku nool degmadaas iyo nawaaxigeeda.

Taliyaha guutada 24 aad ayaa wakil uga ahaay sarakiisha ciidamada xooga Somaaliyeed deeqdaan uu ku wareejiyay isbitaalka degmada Ceel-dheer.

Sidaas si la mid ah waxaa ka mahad celiyay odayaasha degaanka baaqna u diray ganacsatada u dhashay degmada ceeldheer si ay iyaguna dadkooda wax u taraaan uguna daydaan ciidamada qaranka

Xafiiska wararka
Dayniile.com
No description available.No description available.No description available.No description available.No description available.No description available.

No description available.No description available.No description available.

Previous articleBooliiska Puntland oo soo bandhigay Aafar Suuriyaan ah oo dhac ku eedeysan+SAWIRRO
Next articleDAAWO: Ciidamada NISA oo gacanta ku dhigay Qof Ajnabi ah iyo Agab loo waday dhanka Alshabaab

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here