Ciidamada Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa gacanta ku soo dhigay koox ka tirsan dagaalyahanada Daacish ee ka dagaalama dhulka buuraleyda Gobolka Bari.

Sida aan warka ku helnay ajaanib ka badan 20 dagaalame ayay ciidamada Puntland ku soo qabteen howlgalo ay wadeen saacadihii la soo dhaafay.

Advertisement

Dagaalyahanada la qabtay waxay u kala dhasheen Dalalka Maroko,Yemen,Itoobiya iyo Sudan, waxaana lagu wadaa Taliska Puntland inuu dhawaan soo bandhigo muuqaalka ajaanibtaasi iyo warbixintooda.

Maaha markii ugu horeysay oo Ciidamada Puntland qabtaan ajaanib ka dagaalameysay gudaha dalkeena Soomaaliya gaar ahaan deegaanada Puntland,hore ayay sidaan oo kale warbaahinta ula wadaageen inay ajaamin daacish ah soo qabteen.

XAFIIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Previous articleWasiirka arimaha dibada Somalia oo is casilay
Next articleSafiirada Soomaaliya iyo kuweyt oo ku kulmay Nairobi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here