Ururka Jaamacadda Carabta ayaa garab istaag u muujiyay Dowladda  Soomaaliya kadib heshiiskii Itoobiya iyo Soomaliland.
Qoraal kasoo baxay ururka Jaamacadda carabta ayaa lagu yir”waxaan muujinaynaa diidamada ururka Jamaacadda carabta,isla markaana ay cambaareynayna heshiiska is-afgaradka ah ee ku xad-gudbaya qaranimada Soomaaliya kaas oo looga faa,iidaysanayo jilicsanaanta xaaladda gudaha ee Soomaaliya.

Soomaliland ayaa lagu sheegay qoraalk ururka Jaamacadda carabta in ay tahy gobol ka mid ah Dowladda federaalka Soomaaliya.

Afhayeen u hadlay ururka waxa uu sheegay in Jaamacadda Carabtu ay si buuxda u garab taagan tahay go’aankii Golaha Wasiirrada Soomaaliya, kaas oo uu ku tilmaamay mid aan waxba ka jirin heshiiskii is-afgaradka ahaa ee iskaashiga iyo iskaashiga ahaa ee 1-dii January 2024 ay wada saxeexdeen Jamhuuriyadda Federaalka Itoobiya iyo “Somaliland” oo aan la aqbali karin, oo ay ka dhigan tahay xad-gudub cad oo lagu sameeyay madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo sidoo kale shuruucda caalamiga.
May be an illustration of text
Previous articleQiso Adis-ababa ku dhexmartay Prof.Yaxye Sh.Caamir iyo dhalinyaro Somaliyeed
Next articleRa;iisulwasaare Xamze oo Maanta magacaabay xilal dhowr ah+Sawirro

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here