Ciidamada Maraykanka iyo UK ayaa war ay soo saareen waxay ku sheegteen libin ah inay drons badan ka soo rideen kooxda dagaalyahanada Xuutitiinta ee Yeman ka dagaaalama.

Mareykanka IyonBritain waxay saxaadda la wadaageen inay soo rideen 21 diyaaradood oo nooca aan duuliyaha lahayn iyo gantaalo ay soo rideen Xuutiyiinta kuwaasoo ay la rabeen maraakiibta ganacsi ee marta Badda cas.

Advertisement

Ma jiro wax dhaawac ah ama khasaare kale ah oo ka dhashay waxa uu milatariga Maraykanku ku sheegay in uu ahaa weerarkii 26-aad ee kooxda fadhigeedu yahay Yemen tan iyo 19-kii November.

Taliska dhexe ee militariga Mareykanka (CENTCOM) ayaa sheegay in ay soo rideen diyaaradahaan Drons-ka ahaa oo ay fallaagada Xuutiyiinta Yemen ka bilaabeen koonfurta badda cas.

Mareykanka oo la shaqaynaya ciidamo ka socda Boqortooyada Ingiriiska, CENTCOM waxay sidoo kale sheegteen inay ka hor tageen  laba gantaal oo nooca maraakiibta ah iyo hal gantaal oo ballistic ah oo ka yimid dhanka xuutiyiinta.

Weerarada reer galbeedka ka seexan la’yihiin wuxuu ka bilowday Afduubkii loo geystay markabkii weynaa ee xamuulka ahaa Galaxy, oo ka yimid Turkiga kuna sii jeeday Hindiya.

Ujeedka weerarada Xuutiyiinta ayaa ah inay bada ku weeraraan maraakiibta Yuhuuda si ay culeyska uga yareeyaan walaalahood reer Gaza halka mareykanka iyo guud ahaan reer Galbeedkuna rabaan inay difaacaan maraakiibta Yuhuuda.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

A Houthi fighter on the deck of the Galaxy Leader. He is walking away from the camera.

Previous articleMadaxweyne Xasan oo Xamar ku soo laabtay,una sii safraya Masar
Next articleManipur India oo laga soo sheegayo Masiibo dhanka Nolosha ah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here