Zanzibar 4 March: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daud Aweis Jama oo ka wakiil ah Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeybgaley kulan quraan akhris iyo duco loogu sameeyay Jasiiradda Zanzibar ee Tanzania, Allah ha u naxariistee Al Xaaji Sheikh Ali Hassan Mwinyi oo ahaa Madaxweynihii 2aad ee Jamhuuriyadda Tanzania.

Kulankaa ducada ah waxaa ka soo qeybgaley Madaxweynaha Jasiiradda Zanzibar Dr Hussein Ali Mwinyi oo uu dhaley Madaxweyihii hore ee geeriyooday.

Wasiirka ayaa Madaxweynaha la wadaagey dhambaal tacsi ah oo uga siday Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxan marxuumka Ilaahay uga baryaynaa inuu Jannatul Fardowsa ka waraabiyo, qoyskii, ehelkii iyo shacabka reer Tanzania ee uu ka baxay uu samir iyo iimaan ka siiyo. Aamiin.
May be an image of 4 people and daisMay be an image of 9 people and daisMay be an image of 7 people, dais and text
Previous articleFarmaajo iyo Shariif oo ka qeygalaya shirka Maanta ay leeyihiin Xildhibaanada
Next articleWeerar gaadmo ah oo lagu qaaday Alshabaab ku sugnaa duleedka degmada Waajid

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here