Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Ku-simaha Madaxweynaha JFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay Barnaamijka Deyn-cafinta Soomaaliya oo caawa taariikdu ay tahay 13-December 2023 Soomaaliya laga cafiyay dhammaan deyntii lagu lahaa.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe, oo farxada la wadaagay shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed ayaa waxaa uu sheegay in marxalado kala duwan ay soo martay in deynta laga cafiyo Soomaaliya, waxaa dadaal badan u galay Baarlamaanka 11-aad iyo Barlamaannadii kala duwanaa ee dalka soomaray, Madaxweyneyaal iyo Ra’iisul Wasaarayaal, waxaana uu xusay in maanta wixii ka dambeya uu dalka u furmi doono bog cusub.

Advertisement
Previous articleMadaxweyne Xasan Sheekh oo kulan uu la qaatay Hay’addaha Bangiga iyo Lacagta Dunida uga mahadceliyay dayn cafinta+SAWIRRO
Next articleXasan Sheekh oo Washington kula kulmay Wasiirada arimaha dibada iyo Difaaca Mareykanka+Sawirro

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here