Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalla Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan miro-dhal ah kula qaatay xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka ee magaalada Washington, ku simaha Xoghayaha Difaaca dalkaas Marwo Victoria Nuland ayaa kala hadlay xoojinta xiriirka iskaashiga labada dal ee dhinacyada amniga, la dagaallanka argagixisada, kor u qaadista taageerada Mareykanka ee dib u habaynta hay’adaha amniga Soomaaliya iyo ka jawaabidda xaaladda bini’aadantinimo ee ka dhashay isbaddalka cimilada.

Dhanka kale, Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Madaxa Hay’adda Gargaarka Maraykanka (USAID) Danjire Samantha Power ayaa la wadaagay saamaynta taaban ee ka dhalatay Roobka Dayrta ee sida xad dhaafka ah uga da’ay dalka, isaga oo muujiyay muhiimadda kordhinta taageerada dowladda Mareykanka ee Soomaaliya ee arrimaha dowlad-dhiska, wax ka qabashada saamaynta isbaddalka cimmilada iyo horumarinta kaabayaasha nolosha bulshada.

Advertisement
Previous articleAadan Madobe oo Somalida ugu Hambalyeeyay guusha deyn-cafinta
Next articleHowlgal Alshbabaab ka dhan ah oo laga fuliyay duleedka Xarar-dheere.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here