BALADWEYNE.COM (DAYNIIILE.COM)-Wararka laga helaayo Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in saaka xiisad dagaal uu ka jiro duleedka waqooyi ee Magaaladaasi.

Xiisadaan ayaa u dhexeysa laba maleeshiyo beeleed oo xalay dagaal uu dhexmaray sida wararka la helaayo ay tibaaxayaan.

Advertisement

Labadaan Beelood waxaa la sheegay inay isku hayaan dhul beereed ,xili reer kasta sheeganayo milkiyada dhul beeraadkaasi.

Labada dhinac gurmadyo iyo hub isku urursi ayay saaka ka wadaa dhulka la isku hayo xili asysn jirin wax dhex dhexaadin ah oo laga dhex wado.

Dadkii ku dhaqnaa deegaanka ayaa qaarkood isaga cararayaan saaka iyagoo ka cabsi qabo in dushooda lagu dagaalamo.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIIILE.COM

Previous articleGaadiid sida gar-gaar bini’aadantinimo oo maanta galay GAZA
Next articleHoobiyayaal dhimasho sababay oo Saaka ku dhacay Xaafado Muqdisho ka mida

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here