wax laga beddelay, codsiga ay gudbisay beesha ay matalaana aan la hor keenin Baarlamaanka.

Xildhibaannada si wadajir ah waxay ugu baaqeen kulamo aayo ka tashi iyo wadatashi ah oo ay isugu yimaadaan qeybaha bulshada ee Tannade oo ka mid ah beelihii wax ka dhistay Puntland oo maalmo kaddib jirsanaysa 25 sanno.

Advertisement

Mudanayaashan ayaa baaqooda ku soo aadday kaddib markii in ka badan 7 kun oo muwaadiniin cod ku leh Puntland oo ka soo jeeda beesha ay matalaan ay saxiixeen codsi ay ku dalbanayaan in la kordhiyo xildhibaannada si ay mataalada ay ku sheegeen ‘midda ay u qalmaan’ uga helaan Baarlamaanka, sida uu u ogalyahay dastuurka Puntland oo dhigaya 5,000 oo muwaadiniin cod bixiyaal ah inay codsan karaan wax ka beddelka Dastuurka, balse go’aanka ay sugayeen oo uu akhriyay guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa noqday inan la kordhin karin xildhibaannada illaa inta tiro koob rasmi ah laga sameynayo, kaddib markii uu fasiraad sharci waydiistay maxkamadda Dastuuriga ah, go’ankan oo ay sharci darro ku tilmaameen xubnaha u hadlay beesha Tannade.

Previous articleDowladda Mareykanka oo cunaqabateyn kusoo rogtay Madaxii Maaliyadda Daacishta Soomaaliya
Next articleXog hoose ayaa sheegaysa in Puntland iyo Villa Soomaaliya oo isku fahmi la’…

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here