Inta badan dadka u dhuun duleela ama aqoonta u leh dhanka dambi baarista waxay shaki ka muujiyeen qaar ka mida hadaladii shalay ka soo yeeray Taliyaha Boliiska Gobolka Banaadir Macalin Mahdi.

Taliyaha inta badan warkiisu wuxuu ahaa mid niyad dhis iyo laab qaboojin ku saleysnaa laakiin waxaa sidoo kale hadaladiisa ku jirey arin ku fiicneyd inuusann bulshada la wadaagin.

Advertisement

Ereyadaas oo Qatar ku ah rajadii laga lahaa in la soo qabto gacan ku dhiiglaha ayaa ahayd inay ku raad joogaan dadkii gacanta siiyay gacan ku dhiiglaha ama dadkii gaariga usoo diyaariyay.

Hay’adaha amniga shaqada halka ay ka bilaabi lahaayeen ayaaba ahayd inay soo qabtaan kuwa fakiyay gacan ku dhiiglaha islamarkaana u soo diyaarshay gaariga Xamar ka qaaday.

Hadaba muxuu dhib keeni karaa intaas yar uu taliyaha ka dhawaajiyay ayaad is weydiineysaa.

Warka taliyaha wuxuu fursad siinayaa kooxdaasi oo dhan inay baxsadaan maxaa yeelay qof aad warbaahinta ka sheegtay inaad usoo socoto kuuma fadhinayo, wuxuuma marayaa wadadii uu maray gacan ku dhiiglaha ee baxsashada ahayd.

Taliyaha kaliya wuxuu is lahaa qanci reerka gabadhooda laga dilay lana gubay laakiin wuxuu u gudbay inuu sii sheego shaqadii ciidanka qaarkood.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIILE.COM

Previous articleMadaxweyne xigeenka Puntland oo Qaabilay Wakiilka Hay’adda WFP +SAWIIRO
Next articleMaxaa ka soo baxay shirkii Wasiir Fiqi iyo Gudiga arimaha gudaha Barlamaanka+Sawirro

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here