WAR SAXAAFADEED ka soo baxayeQqq¹ Dowlada Soomaaliya ayaa goor dhaw lagu shaaciyay in ciidamo badan iyo saraakiil ciidamada dowladu ka dileen  Alshabaab.

Warsaxaafadeed ayaa u qornaa sidan:-

Advertisement

Muqdisho, 26 May, 2024: In ka badan 20 Khawaarij ah oo ay ku jiraan saddex horjooge ayaa lagu laayay tiro intaasi ka badanna waa lagu dhaawacay hawlgal ay iska kaashadeen Ciidanka Qaranka iyo saaxiibada caalamka, kaasi oo ka dhacay buuraha Calmadow ee deegaannada Puntland.

Hawlgalka ayaa lagu bar-tilmaameedsaday xero ay maleeshiyaadka Khawaarijta ah isku aruursanayeen taas oo ku taalla buuraha Calmadow, waxaana halkaasi lagu jabiyay dhagartii ay u maleegayeen shacabka ku nool deegaannada Puntland.

Ciidanka Qaranka iyo saaxiibada caalamka ayaa muddooyinkaan si weyn ula socday dhaq-dhaqaaqyada cadowga Khawaarijta ah ay ka wadeen deegaannada buuralayda ah ee Puntland.

Dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa Shacabka Soomaaliyeed iyo saaxiibada caalamka waxay ku guulaysteen inay ka hortagaan dhagarro badan oo cadowgu diyaarinayeen, waxaana dowladda ka go’an dhamaystirka argagixisada si dadkeenu ugu noolaadaan nabad iyo barwaaqo.

-Dhammaad-

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here