Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Aqalka Madaxtooyada Magaalada Baydhabo ku qaabilay Wafdi uu hogaaminayey Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac oo Wafdigiisa ay qeyb ka ahayeen Madaxda Hay’addaha ka shaqeeya Arimaha Gargaarka.
Madaxweyne Laftagareen oo Qaabilaada wafdiga ay ku wehlinayeen Gudiga Gurmadaka Fatahaadaha Koonfur Galbeed ayaa Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka iyo Wafdigiisa la wadaagay dhibaatooyinka ka dhashay Fatahaadaha ka dhacay Degmooyin ka tirsan Koonfur Galbeed iyo Dadaalada socda ee ugurmashada Dadka Saameynta ku yeeshay Fatahaadka Biyaha.
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka iyo Madaxda Hay’addaha ee Wafdiga ku wehlinayey ayaa sheegey in socdaalkooda ay tahay sidii Gargaar loo gaarsiin lahaa Dadka Fatahaadaha saameyey ee ku nool guud ahaan Deeganada Koonfur Galbeed.
=XIGASHO WARBAAHINTA MAAMULKA KOONFUR-GALBEED=
May be an image of 2 people, dais and text that says "ATE F OF SOMALIA"May be an image of 2 people and daisMay be an image of 8 peopleMay be an image of 8 people and people studyingMay be an image of 9 peopleMay be an image of 9 peopleMay be an image of 6 people and textMay be an image of 2 people and daisMay be an image of 1 person, dais and newsroomMay be an image of 5 people and daisMay be an image of 5 people and daisMay be an image of 3 people and beardMay be an image of 3 peopleMay be an image of 3 people and daisMay be an image of 4 peopleMay be an image of 3 people and daisMay be an image of 1 person and daisMay be an image of 4 people and dais

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here