Sida lagu shaaciyay warbaahinta Dowlada Ciidanka Xoogga dalka ayaa howlgal qorsheysan oo ay ka sameeyay deegaano ka tirsan gobalka Bay waxaa ay ku khaarajiyeen horjoogihii khawaarijta u qaablisanaa baada shacabka gobalada Baay, Bakool iyo Gedo.
Ururka 47-aad Guutada 8-aad Qeybta 60-aad ee Ciidanka xoogga dalka ayaa fuliyay Howlgalka lagu dilay horjoogaha argagixisada ee baada ka qaadi jiray shacabka , waxaana uu si gaar ah uu howlgalkani uga dhacay nawaaxiga degaanada Mooda-moode, iyo Daynuunaay gobolka Baay.
Taliyaha Ururka 47-aad guutada 8-aad qeybta 60-aad Xds X/le Axmed Maxamed Nuur (Axmed Nuur Dhegeey) ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in howlgalka ay ku dileen Horjooge Xuseen Caddoow Jilib-gaab oo maleeshiyada argagixisada ah u qaabilsanaa baada laga qaado dadka shacabka ah ee ku dhaqan gobolada Baay, Bakool, iyo Gedo.
May be an image of 5 people and grass
Previous articleMaamulka Hiiraan oo soo saaray awaamiir ka dhan ah Gaadiidka waaweyn
Next articleWasiirka Maaliyada oo kulan la yeeshay ku xigeenka Wakiilka QM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here