Gaza (dayniiile.com)-Ciidamada Gumeysiga Yuhuuda ayaa laayay dad ka badann100 ruux oo shacabka Falastiiniyiin ah meel ku dhaw Ishitaalka Kamal Cadnan ee waqooyiga marinka Gaza halka qaaran dhaawaan yihiin.

Meydadka dadka la laayay ayaa safan Isbiitaalka Kamal Cadnan halkaasoo dadkii ugu badnaa ee deegaankaasi ay maciin badeen gudaha isbitaalkaas.

Advertisement

Muuqaal laga soo duubay Kamaal Cadwaan ayaa muujinayay maydad maryo cadcad ah oo safaf  ugu jira barxadda xarunta Isbitaal Kamal Cadnan.

Dhanka Goob joogayaal ayaa sheegay in qof kasta oo isku dayay inuu baxo isbitaalka ay tooganayaan ciidamada Yuhuuda.

Wararka laga helaayo Isbitaalkaan waxay sidoo kale sheegayaan in dhamaan shacabka ku sugan isbitaalka, kuwa dhaawacan iyo kuwa kalaba ay argagaxsan yihiin iyagoo ka baqaya in isbitaalka ay yuhuudu bartilmaameedsadaan sidii ka dhacday isbitaalka Al-shifa oo kale.

Al-jaziira qeybtooda english-ka oo aan ka soo xiganay aqbaartaan ayaa sidoo kale baahiyay inay xitaa shacabku banaanka uga bixi karin isbitaalka iyagoo ka baqaya ciidamada Israa’iil oo go’doomiyay isbitaalka.

“Ciidanka Israa’iil ee guumaysiga ah ayaa dhinac walba ka hareereeyey cisbitaalka,Waxayna la beegsadeen rasaas iyo madaafiic,” ayuu yiri Munir al-Bursh, oo ah agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka ee Gaza oo ka hadlayay gudaha Kamaal Adwan.

“Bukaannada, dhaawaca iyo kuwa gabaad ka dhigtay isbitaalka waxaa soo food saartay cabsi; waxaa ka batay argagax,” ayuu mar kale yiri Agaasimuhu

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Israeli strike near the Kamal Adwan hospital in Beit Lahia in the northern Gaza StripBodies in Kamal Adwan Hospital, Gaza
Previous articleDagaal Alshabaab iyo Itoobiyaan ku dhex-maray Diinsoor
Next articleHormuud oo Hal-milyan doolar ugu deeqday dadka ay saameeyeen Fatahaadaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here