MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Waxaa maanta Maxkamada Gobolka Banaadir ka soo muuqday Hanad Cabdiraxmaan Maxamed oo baraha bulshada caan kaga ah magaca waan gariiray kaasoo dhawaan Booliisku xireen.

Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha guud Qaranka uu kusoo eedeeyey waan Gariiray faafinta muuqaalo iyo sawirro khilaafsan dhaqanka suuban ee islaamka,waxaana maanta Maxkamadu bilowday dhagaysiga garmaqalka kiis dacwadeed loo heysto wiilkaan caanka ka ah Tiktok.
Xiiska Xeer-ilaalinta wuxu soo bandhigay muuqaalo iyo sawirro uu baraha bulshada ku faafiyay ninkaan xili isaguna uu saaran yahay maxkamada.
Si kastaba Maxkamadda ayaa maanta soo gabagabeysay dhageysiga kiiskaan, waxayna ka soo saari doontaa go’aan rasmi ah maalmaha soo socda inkasoo waqti rasmi ah uusan qaban Gudoomiyaha.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
May be an image of 3 people, dais and textMay be an image of 1 person and textMay be an image of 8 peopleMay be an image of 6 people, the Oval Office and text
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here