Garowe (dayniiile.com)-Waxaa maanta fashilantay dhex dhexaadin maalmihii ugu danbeysay laga dhex waday  Mucaaradka Puntland iyo Madaxweyne Saciid Dani.

Isimada dhaqanka SSC Qaatumo ayaa hore ula soo kulmay Mucaaradka waxayna maanta is arkeen Saciid C/laahi Dani balse wararka aan helnay ayaa sheegaya in lagu kala booday habkii ay wax ku xalin lahaayeen isimada markii uu si cad uga hor yimid Madaxweynaha Puntland Saciid Dani.

Advertisement

Wararku waxay tilmaamayaan in Isimadu usoo jeediyeen Saciid Dani inuu madaxa dhiibto si ay ugu dhawaqaan xalka kama danbeysta ah balse Saciid Dani wuxuu shuruud uga dhigay in loo qeexo xalka ay wadaan isimada.

Ismimada SSC Qaatumo waxay u sheegeen Saciid Dani inaan loo sheegeyn balse kaliya uu ka ogaan doono markeey ku dhawaaqaan taasina wuu diiday madaxweyne Saciid Dani.

Markii uu Saciid Dani ka hor yimid Isimada qorshahooda waxaa halkaasi ku bur burburey rajo laga qabay in maanta Isimada reer SSC Qaatumo ay ku dhawaaqaan go’aan xal u noqon lahaa Puntland.

dhanka kale waxaa jira warar sheegaya in ismimadu dhexdooda isku noqdeen lagana yaabo inay warmurtiyeed soo saari doonaan si ay ugu cadeeyaan in dhanka Dani wax ka socon waayeen.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Previous articleMadaxweyne Xasan oo Caawa Dalka dib ugu soo laabtay
Next articleDuqa Muqdisho oo mashruucii ugu fiicnaa ebid kala hadlay UNDP

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here