Waxaa wali sii socda dilalka arxan darada ah ee loo geysanaayo Soomaalida ka xamaalata Dalka Koonfur Afrika.

Allahau wada naxariistee waxaa xalay la dilay Wiil iyo abtigiis oo hal tukaan ka wada shaqeysanaayay markii ay soo weerareen kooxaha burcad Koonfur Afrikaanka ah.

Advertisement

Labada Marxuum waxaa lagu kala magacaaji jirey Ibarahim Warsame iyo C/Raxmaan Xasan Cali,waxaana  lagu dilay  deegaanka hoos taga magaalada Rusterburg.

Rasaas ayay ku fureen wayna dileen xili sidoo kalana ay dheceen hantidii Tukaanka taasoo ahayd bartilmaameedlooda labaad dilka kadib.

Sida lagu yaqaan caadiyan Booliiska Dalka Koonfur Afrika iyo Burcda waxayba u badan tahay inay isla shaqeeyaan maxaa yeelay mar kasta waxay yimaadaan marka burcadu waxay rabaan sameeyaan.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Previous articleDuqa Muqdisho oo mashruucii ugu fiicnaa ebid kala hadlay UNDP
Next articleDiyaarado Dagaal oo duqeun culus ka gaystay Jubaland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here